Shacabka Mathare oo walaac ka muujinaya amni darro

0
292

Waxaa lagu soo warramayaa in nin da’ dhexaad ah ay tooriyeeyeen kooxo looga shakisan yahay in ay yihiin tuugo.
Xilliga uu weerarka dhacayey , ayaa waxaa uu wiilkiisa oo saddex sano jir ah u kaxeynayay dugsi ku yaalla deegaanka Mathare 4A ee ismaamulka Nairobi.
Qofka geeriyooday oo magaciisa lagu sheegay Michael ayaa si xun toorida looga dhuftay dhinaca midig ee caloosha.
Haweeney magaceeda lagu soo koobay Irene oo daris la ah Michael ayaa sheegtay inay maqashay buuq iyo sawaxan ka dibna ay bannaanka u soo baxday oo sidaas ay ku aqoonsatay qofka qayla dhaanta sameynayay.
Waxaa la sheegay in uu kaligiis la noolaa wiilkiisa tan iyo markii uu jiray saddex bilood.
Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyay xaaladaha amni darada ee sii kordhaya ee deegaanka Mathare 4A.
Waxaa meydka ninka loo qaaday xarunta meydadka ee Nairobi Funeral Home.