Shacabka Mandera oo loogu baaqay in ay qaataan kaararka Huduma

0
484

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Mandera Kyatha Onesmus ayaa dadweynaha ku nool ismaamulkaasi ugu baaqay in ay qaataan kaararka Huduma ee la soo saaray.
Waxaa uu sheegay in ay jiraan shakhsiyaad farriimo tilmaamaya loo diray balse aan ilaa iyo hadda qaadan kaarka.
Mr. Onesmus ayaa xusay in halkaasi la geeyay kaararka Huduma oo gaaraya 22,377 balse ay dadweynaha la waregeen keliya 12,906.
Waxaa uu mas’uulkan sheegay in kaarka Huduma loo adeegsan doono helidda adeegyada muhiimka ah .
Sidoo kale waxaa uu aqoonsi u noqonayaa muwaadiniinta iyo ajaaniibta ku nool gudaha dalka.
Guddoomiyaha Mandera ayaa dadka aan isku diiwaangelin hannaankan kula taliyay in ay ka faa’iidaystaan wajiga labaad ee diiwaangelinta oo lagu wado in dhawaan la billaabo.