Shacabka Libya oo ka dibadbaxay kulan ay wasiiradda arrimaha dibadda wadankaasi ay la yeelatay mas’uul Yahuudi ah

0
253

Waxaa lagu soo warramayaa in kumanaan qof ay xalay dibadbaxyo ka dhigeen caasimadda dalka Libya iyo gobollada kale ee wadankaasi.
Dadkan ayaa carooday, wararka sheegaya in wasiirradda arrimaha dibbada ee dalkaasi Najla al-Mangoush ay magaalada Rome ee caasimadda wadanka Talyaaniga kula kulantay dhigeeda Israa’iil.
Shacabka mudaaharaadayay ayaa doonaya in shaqada laga tiro wasiirradda arrimaha dibbada ee Libya.
Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale ku baaqay inuu is casilo ra’iisul wasaaraha wadankaasi Cabdul Xamid Dbeibeh, iyaga oo isugu yimid hooyga uu ka deggan yahay caasimadda Tripoli oo ay dab qabadsiiyeen.
Ilaa hadda ma cadda in goobta uu sugnaa ra’iisul wasaaraha Libya xilligii uu falkan dhacayay
Dhankan kale ilo wareed sare oo ka tirsan dowladda Libya ayaa warbaahinta Aljazeera u sheegay in Najla al-Mangoush laga qaaday xilkii wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi.
ilo ku dhow dhow ra’iisul wasaare Cabdul Xamid Dbeibah ayaa soo wariyay in al-Mangoush la eryay ka dib markii la sameeyay baaritaan ku saabsan kulan la sheegay in todobaadkii hore iyada iyo wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil ku dhexmaray magaalada Rome.