2.3 milyan oo qof oo ah Falastiiniyiin ku nool marinka Gaza ayaa koronto la’aan ah.
Tani ayaa timid ka dib markii Israa’iil ay adeegyada korontada , shidaalka iyo badeecooyinka muhiimka ah ka jartay Gaza.
Bayaan ka soo baxay golaha ammaanka ee Israa’iil ayaa lagu xaqiijiyay tallaabooyinkan la qaaday waxaana qoraalkaasi ku cad in looga gol-leeyahay burburinta awoodaha maamuleed iyo kuwa militari ee ururka Xamaas.
Sidoo kale Israa’iil ayaa xalay sare u sii qaadday weerarradeeda dhanka cirka ah.
Waxay burburisay guriyo la degganaa oo uu ka mid yahay dhisme ka kooban 14 dabaq.
Dhismahan ayaa la sheegaya inay ku yaallaan xafiisyada ururka Xamaas ee bartamaha magaalada Gaza.
Sidoo kale duqeynta Israa’iil waxaa lagu burburiyay dhisme ka kooban shan dabaq sida ay ku warramaysa wakaaladda wararka ee Associated Press ee AP.




