Shacabka ismaamullada Garissa, Tana River iyo Kitui oo digniin loo diray

0
270

Dadweynaha deggan meelaha u dhow webiyada iyo biyo mareennada ee ismaamullada Garissa, Tana River iyo Kitui ayaa loogu baaqay inay u guuraan meelaha uu jooggodu sarreeyo.
Waxaa digniintan soo saaray maamulka horumarinta webiyada Tana iyo Athi ee (TARDA).
Digniinta waxaa ku cad in meelaha u dhow webiga Tana ay ku soo fool leedahay xaalad culus oo dhanka fatahaadaha ah maadaama heerka biyaha ee webigaasi ay kordheen.
Muuqaal ay Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka dusha sare uga duubtay diyaaradda qummaatiga u kacda ee Helikobtarka ayaa muujinaya qaybo ka mid ah magaalada Garissa iyo guriyo oo ay biyaha daadadka buuxdhaafiyeen.
Tani ayaa timid ka dib markii uu karkaarrada jabsaday webiga River Tana.
Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in gargaar cunno la gaarsiiyay tuulooyin ka tirsan afar ka mid ah deegaannada ismaamulka Garissa.
Gargaarkan ayaa waxaa la gaarsiiyay qoysas gaaraya 208.