Shacabka Indonesia oo dhigay bannaanbax ay ku taageerayaan Falastiiniyiinta

0
202

In ka badan 1,000 qof oo ka mid ah shacabka dalka Indonesia ayaa ka qayb galay bannaanbax taageero loogu muujinaya Falastiiniyiinta ku dhibaateysan Qaza.
Dibadbaxa ayaa ka dhacay magaalada Medan ee gobolka North Sumatra.
Mid ka mid ah dibadbaxayaasha oo lagu magacaabo Mustafa Kamal Harahap oo 40 sano jir ah ayaa sheegay in isaga iyo carruurtiisa ay ka qayb qaadanayaan bannaanbaxa lagu taageeraya dadweynaha Falastiin ee weli wajahaya duqeymaha Israa’iil si uu ubadkiisa u baro muhiimadda ay leedahay tixgelinta xuquuqda aadanaha.