Dadweynaha dalka Faransiiska ayaa maanta ka qayb qaadanaya doorasho ay ku soo xulanayaan hoggaamiye cusub.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Faransiiska ayaa tirada shacabka ee u soo baxay codeynta laga billaabo saaka ilaa 12-kii duhurnimo ku sheegtay boqolkiiba 25.5.
Tiradan ayaa saacadahan gudahooda sanadkii 2017-kii ahayd 28.5 boqolkiiba.
Codeynta oo billaabatay 8-dii subaxnimo ayaa ku eg 8-da fiidnimo.
Madaxweynaha hadda talada haya ee Faransiiska Emmanuel Macron ayaa doonaya in mar labaad la soo doorto.
Hasa ahaate waxaa uu tartan xooggan kala kulmayaa hoggaamiyaha xisbiga midigta fog Marine Le Pen oo ay dad badan ku amaaneen inay sameysay olole wayn oo siyaasadeed.
Waxaa gudaha Faransiiska ka diiwaangashan 48.7 milyan oo codbixiyeyaal ah.




