Shacabka dalka Falastiin ee ku nool magaalada Khan Younis ayaa billaabay inay halkaasi ka qaxaan.
Tani ayaa timid ka dib markii Israa’iil ay xoojisay duullaanka dhanka dhulka ee ay Khan Younis ka wado.
Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Qaza Ashraf al-Qudra ayaa sheegay in xalay weerar laga fuliyay Khan Younis lagu dilay ugu yaraan 50 qof.