Waxaa Magaalada Muqdisho la soo gaarsiiyay qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay duqeyntii 3 Bishaan Kka dhacday degaano ka tirsan Gobolka Gedo, kuwaasoo u badan Carruur.
Dadkaan oo qaba dhaawacyo kala duwan ayaa gaaraya lix Carruur ah, waxaana ay ku sugnayeen dhul Miyi ah oo ku yaal degaano ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana dowladda Soomaliya ay sheegtay in Kenya ay si kutalogal ah u duqeysay.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya Aadan Xuseen Gureey oo kamid ahaa Mas’uuliyiintii Garoonka kusoo dhaweeyay dhaawacyada ayaa sheegay in Carruurtaan dowladda Kenya ay Guryahooda ku duqeysay, iyada oo ku marmar siyooneysa inay ka tirsan tahay AMISOM.
Waxaa uu hadalkiisa uu inrtaasi ku daray Wasiirka in xaduudka Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid xiran, isla markaana kjenya aysan wax tallaabo ah ka qaadi Karin gudaha Soomaaliya, taasina ay tahay xadgudub.
Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale duqeymo kala duwan waxaa ay ka fulisay degaano ka tirsan gobolka Gedo, waxaana duqeymaha intooda badan ku waxyeelooba dad Shacab ah.