Maamulka Caafimaadka Bulshada (SHA) ayaa ku dhawaaqay qorshayaal lagu bilaabayo qalab dhijitaal ah oo xannibi doona bixinta daawada waxyeelada leh ee la siinayo bukaanka.
Wareysi lala yeeshay Talaadadii Madaxa Fulinta ee SHA Mercy Mwangangi ayaa sharraxday in nidaamka uu si toos ah u diidi doono dawooyinka khatarta ah ka hor intaysan gaarin bukaanka.
Dhanka kale, Mwangangi ayaa waxaa ay iftiimisay waajibaadka SHA, iyadhoo xustay in aasaaskeeda iyo qaab dhismeedkeeda loo qorsheeyay si loo horumariyo helitaanka daryeelka caafimaadka iyo kor loogu qaado hufnaanta qaybta caafimaadka.
Tani ayaa waxaa ay ku soo beegantay toddobaad ka dib markii Mwangangi ay ku dhawaaqday in Kenya ay dhawaan yeelan doonto nooc u gaar ah oo ah nidaamka jawaabta degdegga ah ee ‘911’, iyadoo si rasmi ah loo daah furi doono dhammaadka bisha October ee sanadkan.
Mwangangi ayaa waxaa ay sharaxday in nidaamka cusub uu wax ka bedeli doono daryeelka caafimaadka degdega ah isaga oo hubinaya in muwaadinka uu caawinada ku helo wicitaan telefoon oo kaliya.