Senetarkii hore ee Wajeer oo loo magacaabay guddoomiyaha guddiga maamulka machadka KEMRI

0
368

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa senatarkii hore ee ismaamulka Wajeer, Dr. Cabdullaahi Ibraahim (Kabreeta) u magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha guddiga maamulka ee machadka sameeya cilmi baarista dhanka caafimaadka ee KEMRI.
Sida lagu shaaciyay wargeyska rasmiga ee dowladda, Ibraahim ayaa xilkan hayn doono muddo 3 sano ah.
Dr.Ibraahim ayaa xilkan kala wareegay Daniel Musyoka oo uu soo magacaabay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sidoo kale siyaasiga Alfred Khang’ati u magacaabay guddoomiyaha guddida sare ee warshadda soo saarta sokorta ee Nzoia Sugar Factory.
Khang’ati ayaa doorashadii guud ee sanadkii hore ku tartamay tigidhka xisbiga ODM ee kursiga deegaan baarlamaanka Kanduyi, hasa ahaate looga guuleystay.
Waxaa uu mas’uulkan xilkan hayn doona muddo 3 sano ah.