Senate-ka oo u yeeray Sakaja si looga wareysto xaalada machadyada ECDE iyo TVET ee Nairobi

0
391

Guddiga Joogtada ah ee Senate-ka u qaabilsan waxbarashadda ayaa u yeeray barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ka dib markii uu ku guuldareystay inuu horyimaado guddiga si uu ugala tashado xaalada waxbarashadda horumarinta caruurnimada hore iyo xarumaha waxbarashadda farsamada gacanta ee dowlad deegaanka.
Guddoomiyaha oo la filayey in uu Senetarada warbixin ka siiyo horumarka iyo caqabadaha hortaagan barnaamijyada ECDE iyo VTC ee Nairobi, ayaa baajiyey kulankaas daqiiqadihii ugu dambeeyey.
Xubnaha guddida ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid xushmad darro ku ah golaha guurtida, isla markaana xaqiraad ku ah waajibaadkii loo igmaday.
Xubnaha guddiga ayaa hoosta ka xarriiqay in ismaamulka Nairobi, maadaama ay caasimad ahaan tahay, ay door muhiim ah ka ciyaarto dajinta xawaaraha ismaamullada kale ee fulinta howlaha waxbarasho ee la daadajinayo.
Waxaa ay ku adkaysteen in Guddoomiye Sakaja uu horyimaado golaha guurtida si loogala xisaabtamo qoondada miisaaniyada, shaqaalaha, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo guud ahaan horumarka xarumaha ECDE iyo TVET.