Aqalka Senate-ka ayaa meesha ka saaray warar si weyn loo hadal hayay oo baraha bulshada lagu faafiyay oo ahaa in hindise sharciyeedka cusub ee la doonayo in xilka loogu kordhiyo Madaxweynaha iyo madaxda kale ee la doortay lagana dhigo 7 sano.
Bayaan uu soo saaray Talaadada maanta ah ayuu Senat-ka waxaa uu ku caddeeyay in sharciga dastuurka ee (wax ka beddelka) 2025, uusan sinaba u soo jeedin wax ka beddelka xilliga xaddidan ee madaxweynaha, guddoomiyeyaasha, baarlamaanka, ama golaha hoose ee deegaanada.
Aqalka ayaa wararkaas ku tilmaamay kuwo marin habaabin ah oo la doonaayo in Kenyaanka lagu khaldo.
Caddaynta ayaa timid ka dib dood adag oo ka dhacday baraha bulshada, halkaas oo sheegashada dalabka ah in wax laga beddelo xadka muddada Madaxweynaha ay kicisay buuq dadweyne subaxnimadii Talaadada.
Senate-ka ayaa waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in aanu Xeerka taabanayn mid ka mid ah qodobbada dastuuriga ah ee ka hadlaya muddada mas’uuliyiinta la soo doortay.
Sida lagu sheegay qoraalka, wax ka bedelka la soo jeediyay sidoo kale ma abuurayaan jago cusub oo Ra’iisul Wasaare ama dib u habeyn lagu sameeyo waaxda fulinta qaranka.
Golaha ayaa waxaa uu ku adkaystay in cududa fulinta ee dowladda ay sii ahaato sida uu dhigayo qodobada Dastuurka ee hadda jira.
Taa baddalkeeda, sharciga ayaa waxaa uu diiradda saarayaa xoojinta awood qeybsiga iyo doorka senate-ka ee qaab dhismeedka maamulka dalka. Ujeeddooyinkeeda muhiimka ah ayaa waxaa ka mid ah horumarinta labada aqal iyadoo la hubinayo in hindise sharciyeedyada intooda badan la tixgeliyo oo ay ansixiyaan labada Aqal ee Qaranka.
Sharciga wax ka badelka ee 2025-ka ayaa sidoo kale lagu doonaayaa in lagu balaariyo awoodaha kormeerka maaliyadeed ee aqalka senate-ka iyada oo si toos ah golaha u siinaysa door toos ah oo ku saabsan habraaca samaynta miisaaniyada qaranka iyo ansixinta madaxda sare ee dowlad deegaannada sida Kormeeraha Miisaaniyada iyo Hanti dhawraha Guud.