Senatarrada dalka oo ka soo horjeestay soo jeedin ka timid wasaaradda maaliyadda

0
217

Senatarrada aqalka sare ee dalka ayaa ka soo horjeestay qorsho ay wasaaradda maaliyadda ku doonaysa inay ismaamullada u qoondeyso lacag dhan 15 bilyan oo dheeraad ah.
Go’aankan ayay qaateen xilli laga doodayay hindisaha qaybsashada dakhliga.
Waxay tallaabo dhabar jabin ku ah nidaamka dowlad wadaajinta ku tilmaameen isbeddelo uu sameeyay baarlamaanka oo ah in miisaaniyadda ismaamullada la kordhiyo oo ay gaarto ilaa 385 bilyan oo shilin.
Senatarrada ayaa dalbanaya in dhaqaalaha ay dowladda dhexe siiso ismaamullada uu noqdo 407 bilyan oo shilin sida uu ku taliyey guddiga qoondeynta dakhliga ee CRA.
Hasa ahaate barasaabyada dowlad deegaannada ayaa dhankooda dalbanaya in sanad kasta ay dowladda sare ku wareejiso 425 bilyan oo shilin.