Senatarrada ka tirsan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa maanta iskaga baxay aqalka sare ka dib markii guddoomiyaha senate-ka Amason Kingi uu dhinac iskaga dhigay mooshin laga gudbiyay wasiirka wasaaradda ganacsiga ee dalka Moses Kuria.
Senatarrada ayaa hoosta ka xarriiqay in Moses Kuria aan looga yeeri karin aqalka sare si loo wareysto isagoo mooshin ka dhan ah la gudbiyay.
Wasiirka ayaa dhankiisa sheegay inuunan raaligelin ka bixin doonin hadallo ka dhan ahaa warbaahinta oo uu dhawaan jeediyay oo la qoonsaday.