Senatarka ismaamulka Uasin Gishu ,Jackson Mandago ayaa sheegay in madaxweynaha dalka Dr. Willian Ruto uu muujiyay sida maamulkiisa ay uga go’an tahay cirib tirka falalka musuqmaasuqa ee laga soo tabiyo gudaha wadanka.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay tallaabadii uu William Ruto shaqada uga joojiyey xoghayihii wasaaradda caafimaadka Dr.Josephine Mburu ka dib markii la musuqmaasuqa lacag dhan 3.7 bilyan oo shilin.
Mandago ayaa xusay in laga soo gudbay xilligii la oran jiray baaritaano ayaan sameynayna waxaana warbixin soo bandhigayna 30 cishe ka dib.
Tani ayuu ku sheegay sababta aan loo qaadin tallaabooyin wax ku ool ah ka dib fadeexado horay u saameeyay maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee KEMSA .
Senatarka Uasin Gishu ayaa hoosta ka xarriiqay inay lagama maarmaan tahay in kuwo la mid ah tallaabooyinka uu qaaday madaxweynaha lagu wajaho dhammaan waaxyaha iyo shirkadaha dowliga ah.
Waxaa uu Mandago ku taliyey in dhammaan madaxda fulinta ee shirkadaha , saraakiisha xisaabaadka , xubnaha guddiyada iyo hoggaamiyaasha qaybaha kala duwan laga doonaya inay xaqiijiyaan la dagaalanka musuqa .
Waxaa uu sheegay in wax ka qabashada falalka lagu lunsado kheyraadka dadweynaha aynan ahayn mas’uuliyad saaran keliya madaxweynaha balse qof waliba oo mas’uul ah looga baahan yahay inuu arrinkan ka dhabeeyo.
Waxaa uu hadalkan ka jeediyay ismaamulka Kisumu ka dib markii xubnaha guddiga caafimaadka ee aqalka sare ay booqdeen isbitaallada dowlad deegaankaasi.
Mandago ayaa intaasi ku daray in musuqmaasuqa uunan ku koobnayn keliya saraakiisha dowladda balse ay sidoo kale falalkan garab siiyaan shakhsiyaadka ganacsiga la sameeyo dowladda.
Waxaa uu rugta qaran ee ganacsiga iyo warshadaha ee (KNCCI) uu ugu baaqay inay ku soo biirto dagaalkan.
Senatarka Uasin Gishu ayaa sheegay in haddii uu qofka dowladda la sameynaya ganacsi uu ka macaashaya boqolkiiba 70 , inuu qayb ka yahay caqabadda wadanka ka taagan ee lagu takriifalo kheyraadka qaran.