Senatarka Narok oo baaq ka soo saaray iskudhacyo saameeyay xuduudda Kisumu-Kericho

0
304

Senatarka ismaamulka Narok, Ledama Olekina ayaa baaq u diray guddoomiyaasha ismaamullada Kisumu iyo Kericho ee kala ah Anyang’ Nyong’o iyo Eric Mutai.
Tani ayaa timid ka dib markii Arbacadii iskudhacyo laga soo tabiyay magaalada Sondu ee xadka ay wadaagaan labada dowlad deegaan .
Waxaa halkaasi ku dhintay labo qof iyadoo ay ku dhaawacmeen 15 dheeraad ah.
Ledama ayaa bayaan uu maanta soo saaray waxaa uu su’aal geliyay sababta barasaabyada Kisumu iyo Kericho ay uga aamusan yihiin dhibaatada dhacday.
Senatarkan oo ka tirsan xisbiga ODM ayaa labada mas’uul ku boorriyey inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu mideynaya shacabka.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Kericho ,Michael Lesimam ayaa xaqiijiyay rabshadaha dhacay wuxuuna sheegay inuu ku kalsoon yahay in laamaha ammaanka ay xaaladda dejinayaan si looga hor tago inay faraha ka baxdo.
Lesimam ayaa intaasi ku daray inay si dhow ula socdaan xiisadda halkaasi ka soo cusboonaatay maalinkii ay dhacayeen dibadbaxyada isbeheysiga mucaaradka ee Azimio.
Ismaamullada dariska ah ee Kisumu iyo Kericho ayaa waxaa muddo dheer ka dhexeyay muran dhanka soodhinta ah.