Senatarka ismaamulka Nandi ,Samson Cherargei ayaa sheegay in madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio Raila Odinga aynan u furnayn fursad ay kula hadli karto dowladda dhexe.
Waxaa uu Raila iyo xulafadiisa u sheegay in lagula xisaabtami doono khasaaraha ka dhasha dibadbaxa ay qorsheynayaan 20-ka bishan.
Cherargei ayaa garabka mucaaradka ku eedeyay inay carqaladeeyeen kobaca dhaqaale ee dalka sidaas awgeedna aynan suurtagal ahayn inuu wada xaajood dhex maro iyaga iyo hoggaamiyaha wadanka William Ruto.
Waxaa dareen kani la mid ah muujiyay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichung’wah oo mudaharaadyada qorsheysan ee mucaaradka ku tilmaamay kuwo lagu cabsi gelinaya maamulka talada haya.
Dhanka kale senatarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna ayaa dhankiisa sheegay inay berri faahfaahin ka bixin doonaan qorshahooda ku aaddan dibadbaxyada ay ka dhigi doonaan guud ahaan wadanka.
There is no room for dialogue with Azimio-OKA with H.E Ruto because they are architects of economic saboteurs, anarchy & lawlessness. The loss of property or lives thro Maandamos Tinga should bear the Full costs of the destruction if the demos aren't peaceful!.#EnoughIsEnough
— Senator Kiprotich Arap Cherargei (@scherargei) March 16, 2023