Senatarka Nandi oo sheegay in tallaabo laga qaadaya siyaasiyiinta KK ee aan u codeyn hindise maaliyadeedka

0
366

Senatarka ismaamulka Nandi ,Samson Cherargei ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in tallaabo edbin ah laga qaadi doono xildhibaannada ka tirsan isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza ee aan shalay codkooda ku taageerin ansixinta hindise maaliyadeedka sanadkan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inaynan suuragal ahayn in mucaaradnimo ay ka dhex jirto isbeheysiga muxaafidka ah.
Xildhibaannada ka tirsan isbeheysiga Kenya Kwanza ee ka soo horjeestay hindise maaliyadeedka Finance Bill 2023 waxaa ka mid ahayd mudanaha deegaanka Githunguri ee ismaamulka Kiambu, Gathoni Wamuchomba .
Bayaanka Cherargei ayaa ku soo aadaya ka dib markii 176 xildhibaan ay codkooda ku taageereen hindisaha halka 81 ay ka soo horjeesteen.
Waxaa xilligaasi gudaha baarlamaanka ku sugnaa 257 mudanayaal ah mana jirin siyaasi ka gaabsaday inuu haa ama maya ku codeeyo.