Senatarka Nandi oo doonaya in xabsi daa’in lagu xukumo burcadda xoolaha dhacda

0
337

Senatarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei ayaa soo jeediyay in xukun xabsi daa’in ah lagu rido shakhsiyaadka gaysta dhaca xoolaha.
Hindise sharciyeedka uu soo saaray ayuu ku sheegay in tallaabadan ay tahay ciqaabta ay mudan yihiin dadka lagu cadeeyo in iyagoo awood adeegsanaya ay xoolo dhaceen.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in soo jeedintan ay tahay mid looga gol-leeyahay in looga hor tago , lagula tacaalo sidoo kalena gudaha wadanka looga cirib tiro dhaca xoolaha ee saameeyay ismaamullada waqooyiga Rift Valley.
Sidoo kale waxaa uu doonaya in cidii ka macaashta xoolo la soo dhacay in la xiro muddo aan ka yareyn 20 sano.