Senatarka Nairobi oo madaxweynaha ka dalbaday inuu kenyaanka raaligeliyo

0
280

Senatarka ismaamulka Nairobi ahna xoghayaha guud ee xisbiga ODM, Edwin Sifuna ayaa dalbanaya in madaxweynaha dalka William Ruto uu raaligelin bixiyo.
Waxaa uu ku doodaya in madaxweynaha uu shacabka ka dhaadhiciyay inuu hoos u dhigi doono qiimaha maciishadda sidaasi awgeedna lagu soo doortay balse uunan taasi oofin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay shacabka walaac ka muujinaya sicir bararka nololeed iyo qiimaha shidaalka ee 15-kii bishan la kordhiyay.