Senatarka ismaamulka Nairobi sidoo kalena ah xoghayaha guud ee xisbiga ODM ,Edwin Sifuna ayaa ka jawaabay hadal uu dhawaan jeediyay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah.
Mr.Kimani ayaa wacad ku maray in haddii siyaasiyiinta mucaaradka ay sii wadaan dibadbaxyada ay rabshadaha ka dhashaan uu baarlamaanka ka codsan doono inuu warqad u qoro maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da si madaxa mucaaradka Raila Odinga loola xisaabtamo.
Hasa ahaate Sifuna ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay in aan tallaabadaasi lagu cabsi gelin karin.
Home Wararka Kenya Senatarka Nairobi oo ka jawaabay hadal uu jeediyay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka