Senatarka ismaamulka Kisii Richard Onyonka ayaa sheegay in loo baahan yahay in aan wax mushaar ah la siin shaqaalaha guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC).
Waxaa uu howlwadeennada ku eedeyey in ay ku guul dareysteen in gudaha wadanka laga cirib tiro falalka wax isdaba marinta.
Onyonka ayaa arritan ka hadlay xilli uu u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen.
Waxaa uu ka jawaabayay hadal ay sheegtay agaasime ku xigeenka EACC u qaabilsan dib u soo celinta hantida la dhacay Faith Ng’ethe, oo ahaa in tan iyo sanadkii 2018-kii ay dib soo heleen 26 bilyan oo shilin.
Hasa ahaate senatar Onyonka ayaa guddiga EACC ku eedeyay inuu ka gaabiyay gudashada waajibaadkiisa in kastoo uu haysto tiknolojiyad uu dhacdooyinkan kula tacaali karo.