Senatarka ismaamulka Kiambu Karungo wa Thang’wa ayaa sheegaya in loo baahan yahay in garsoorayaasha qiimeyn lagu sameeyo xilliyo kala duwan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay xaqiijin karto in xaakinka uu u qalmo inuu sii shaqeeyo iyo in kale.
Senatarka ayaa xusay in siyaasiyiinta shantii sanaba ay doorasho galaan oo mas’uulkii aynan shacabku ku qancin waxqabadkiisa qaab codeyn ah lagu beddelo sidaasi si la mid ah ay lagama maarmaan tahay in garsoorayaasha la qiimeeyo oo waxqabadkooda lagula xisaabtamo.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu, Kimani Ichung’wah ayaa sheegay in uu jiro qorsho meesha looga saaraya howlwadeennada waaxda cadaaladda dalka ee musuqmaasuqa sameeya.
Ichung’wa ayaa xusay in kastoo ay jiraan garsoorayaal waajibaadkooda shaqo uga soo baxo si waafaqsan dastuurka dalka haddana in kuwo kooban ay dhaawacayaan sumcadda waaxda cadaaladda ee dalka.