DHEGEYSO:Senatarka Kericho oo shacabka Bartamaha uga mahadceliyay soo dhaweynta madaxweynaha

0
291

Hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare ee dalka ahna senatarka ismaamulka Kericho Aaron Kipkirui Cheruiyot ayaa dadweynaha ku nool gobolka Bartamaha ku bogaadiyay in ay si wanaagsan u soo dhaweyeen madaxweynaha qaranka William Ruto oo socdaal 5 cishe ah ku marayay dowlad deegaannadaasi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in madaxweynaha uu deegaannada kala duwan ka fulinaya mashaariic horumarineed isagoo aan cidna takoorayn.
Senatarka Kericho Aaron Cheruiyot, gacan yaraha madaxweynaha Farouk Kibet, barasaabka ismaamulka Uasin Gishu Jonathan Bii Chelilim iyo xildhibaanka deegaanka Alego Usonga ee ismaamulka Siaya Samuel Atandi ayaa eedeyn u jeediyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua.
Waxay siyaasiyiintan sheegeen in laga soo gudbay xilligii kenyaanka lagu kala qaybin jiray siyaasadda ku saleysan qabyaaladda.