Maxkamad ku taalla magaalada Nakuru ayaa senetarka ismaamulka Uasin Gishu Jackson Mandago iyo labo eedaysane kale ku siidaysay midkiiba damaanad lacageed oo dhan 500,000 oo shilin ama damiin qiimaheeda u dhiganta 2 milyan oo shilin.
Waxaa ay maanta ka soo hormuuqdeen maxkamadda Nakuru ka dib markii eedeysanayaasha la xiray shalay.
Garsooraha sare ee maxkamadda Nakuru, Peter Ndege ayaa ku nuuxnuuxsaday in dacwadaha dambiyada ee ka dhanka ah eedaysanayaasha ah la sii billaabi karin maadaama mid ka mid ah shakhsiyaadka dacwadda wajahaya uu maqan yahay.
Senetarka iyo saddex eedeysane kale ayaa lala xiririnaya fadeexaad lagu lunsaday balaayin lacag ah oo laga qaaday waalidiin doonayay in carruurtooda waxbarasho dibadeed loogu diro waddamada Finland iyo Canada.
Eedeysanayaasha kale ayaa kala ah Joseph Kipkemoi Maritim, Meshak Rono iyo Joshua Kipkemoi Lelei.
Hasa ahaate Joseph Kipkemoi Maritim ayaa la sheegay inuu wadanka ka maqan yahay.
Fadeexadaan ayaa lagu lunsaday lacag gaareyso 1.1 bilyan oo shilin oo laga qaaday waalidiin doonayay in carruurtooda waxbarasho loogu diro dibadda.
Waalidiinta ayaa dacwaddan u gudbiyay maxkamadda.
Fadeexadaan ayaa ragaadisay boqollaal arday ah, iyadoo haatan waalidiin badan ay la daala dhacayaan khasaaraha dhaqaale ee arrintan ka soo gaartay.
Dhaqaalahan ayaa la lunsaday muddadii uu Jackson Mandago ahaa barasaabka ismaamulka Uasian Gishu.
Home Wararka Kenya Senatarka ismaamulka Uasin Gishu iyo 2 eedeysane kale oo midkiiba lagu siidaayay...