Senatarka Busia oo qiimaha hantidiisa ku sheegay 100 milyan ilaa 200 oo milyan

0
429

Senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah oo ka mid ah shakhsiyaadka doonaya in ay sanadka 2027-da u tartamaan xilka madaxtinnomo ee dalka ayaa qiimaha lacageed ee hantidiisa ku sheegay in ay u dhaxeyso 100 milyan ilaa 200 oo milyan oo shilin.
Xilli uu xalay u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu Omtatah xusay inuu maalgashaday dhulal iyo gaadiid.
Waxaa uu senatarka sheegay inuu faahfaahin karo qaabkii uu ku healy hantidiisa.
Omtatah ayaa tilmaamay in dadweynaha ay qofka musharraxa ah u codeynayaan haddii uu la wadaago caqabadaha ay wajahayaan iyo sida uu ku xallinaya.
Waxaa uu hoosta ka xarriqay in haddii uu ku guulaysto hoggaaminta qaranka in 100-ka cishe ee ugu horreyaa uu xoogga saari doono wanaajinta maareynta lacagaha dadweynaha.
Wuxuu intaasi ku daray inuu meesha ka saari doono saameynta maaliyadeed ee madaxtooyada.
Senatarka Busia ayaa dhaliilay nidaamka hadda dalka ka jiro isagoo tilmaamay in la siyaasadeeyo arrimaha horumarka.
Waxaa uu xusay in qoondeynta miisaaniyadda inta badan lagu saleeyo waxa uu ku sheegay daacadnimo siyaasadeed.
Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha dalka William Ruto ku dhaliilay in markii uu dhawaan ka hadlayay inuu yahay madaxweynihii ugu wanaagsanaa ee soo maray waddanka uunan caddeyn sida hufnaanta ay qayb uga tahay shakhsiyaddiisa.