Senatarka Busia oo iska fogeeyay eedeyn loo jeediyay

0
211

Senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah ayaa gaashaanka u daruuray eedeyn loo jeediyay taasi oo lagula xiriiriyay afduubkii lagula kacay Kibet Bull.
Waxaa eedeyntan u jeediyay shakhsi lagu magacaabo Francis Gaitho oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha siyaasadda.
Omtatah ayaa qoraal ku xusay inuu weligiiba u taagnaa ka shaqeynta cadaaladda iyo sarreynta nidaamka wax lagu maamulo.
Waxaa uu tilmaamay in eedeynta iskaga ka dhanka ah aynan ahayn keliya mid lala yaabo balse sidoo kale mid si wayn loo dhibsado oo waxba kama jiraan ah.