Senatarka ismaamulka Busia, Okiya Omtatah ayaa guddiga joogtada ah ee arrimaha gaadiidka iyo waddooyinka ee aqalka sare ka dalbaday inuu faahfaahin ka bixiyo badqabka waddooyinka waawayn oo uu sheegay inuu sii xumaanaya.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in shilalka dhaca badankoodu ay yihiin kuwo laga hor tagi karo.
Omtatah ayaa tilmaamay in waddooyinka waawayn sida Nairobi–Mombasa, Malaba–Eldoret iyo Eldoret–Malaba aynan lahayn iftiin ku filan iyo caqabado kale oo halis gelinaya gaadiidleyda.
Sidoo kale, waxaa uu walaac ka muujiyey in ay weli shaqeynayaan baabuur duug ah oo aan tayo ahaan wanaagsanayn.
Senatarka ayaa xusay inuu musuqmaasuq ka dhex jiro waaxda taraafikada ee dalka iyo maamulka qaran ee NTSA.
Wuxuu ku baaqay in dowladdu ay qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo lagu xakameynaya dhacdooyinka shilalka ee laga soo tabiyo qaybaha kala duwan ee dalka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA uu warbixin ku sheegay in laga soo billaabo 1-dii bishii Koowaad ee sanadkan ilaa 22-kii bishii hore ay shilal ku dhinteen 3,890 qof .
Tiradan ayaa sanadkii hore muddadan oo kale ahayd 3,805 ruux.




