Senatar Orwoba oo aqalka sare laga eryay muddo 79 cishe ah

0
700

Waxaa aqalka sare ee dalka muddo 79 maalmood ah laga eryay senatar Gloria Orwoba oo senate-ka si magacaabid ah ugu biirtay.
Amarkan oo si degdeg ah u dhaqangalaya ayaa ku eg 1-da bisha Shanaad ee May ee sanadkan.
Tani ayaa timid ka dib markii ay ku guul darreysatay dacwad ay maxkamadda geysay oo ay uga soo horjeedday in la hakiyay ka qayb galkeeda howlaha aqalka sare.
Guddoomiye ku xigeenka aqalka sare ee dalka Kathuri Murungi oo maanta wargelin soo saaray ayaa karaaniga senate-ka ka dalbaday inuu dhaqangeliyo amarka ka dhanka ah senatar Orwoba.
15-kii bishii Siddeedaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii maxkamadda sare ee dalka ay ayidday qaraarkii Orwoba aqalka sare looga eryay 20-kii bishii Sagalaad ee sanadkii 2023-kii oo lagu amray in ay hor tagto guddiga senate-ka ee awoodaha iyo xuquuqda senatarrada.
Garsooraha maxkamadda sare Lawrence Mugambi ayaa sheegay in haweeneydan ay diidday in ay hor tagto guddiga sidii lagu amray ka hor inta aynan dacwad geyn maxkamadda.
Senatar Gloria Orwoba oo loo haystay in ay habdhaqan xumo muujisay ayaa cafis waydiisatay senatarrada ay u gaftay.
Sanadkii 2023-kii ayay ahayd markii lagu eedeyay in aynan xushmad u muujin senatarrada kale ka dib markii ay daabacday macluumaad lagu tilmaamay kuwo sumcad dhaawicid ah sidaasi awgeedna ay ku xadgudubtay xeerarka aqalka sare ee dalka.