Senatar Fartaag “Ma aqbali doono muddo kororsigii ay sameeyeen baarlamaanka Jubbaland”

0
358

Siyaasiiyiin ka soo jeeda Maamulka Jubbaland ayaa ka soo horjeestay muddo kordhin ay sameeyeen baarlamaanka maamulkaasi.
Baarlamaanka Jubbaland ayaa muddada xilka madaxtinimo ee maamulkaasi kordhiyay.
Muddo xileedka xukuumadda iyo baarlamaanka Jubbaland oo markii hore ahayd 4 sanno ayaa laga dhigay 5 sano.
Mas’uuliyiin uu hoggaaminayo senatar Fartaag iyo wasiirkii hore ee amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo ay hayb wadaagta dhanka siyaasadda ka ahaayeen Madaxwaynaha Jubbaland ayaa billaabeen abaabul siyaasadeed oo ka dhan ah madaxweynaha maamulkaasi Axmad Maxamad Islaam (Axmad Madoobe).
Senatar Fartaag oo ahaa saaxiib aad ugu dhow Axmad Madoobe, sidoo kalana soo noqday madaxeyne ku xigenkii Jubbaland ayaa sheegay in go’aanka ka soo yeeray baarlamaanka Jubbaland uu yahay mid uu qorsheeyay Axmed Madoobe.