Seddex nin oo lagu dilay Kilifi ka dib markii lagu qalday afduubayaal

0
537

Dambi baarayaasha ismaamulka Mombasa ayaa baaraya dhimashada seddex nin oo la weeraray ka dibna la dilay, habeenkii Arbacada tuulada Junju, ee dawlad deegaanka Kilifi.
Iskuduwaha amaanka ee Gobolka Xeebta John Elungata ayaa xaqiijiyay dhacdadan isagoo sheegay in saddexda qof ee la dilay oo kala ahaa nin, wiilkiisa, iyo qof u shaqeenayay ay u safreen aagga si ay u kormeeraan dhul ay lahaayeen.
Dadka ku nool aagga oo arkay saddexda ayaa lagu soo waramayaa inay u qaateen inay yihiin afduubayaal ku soo socda.
Wararka ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay nolasha dhaafiyeen seddexda nin ka hor inta aysan dab qabadsiin baabuurkooda.