Seddax sarkaal oo booliis ah oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay wadada isku xirta Garissa iyo Thika

0
179

Saddex sarkaal oo boolis ah iyo qof rayid ah ayaa dhintay fiidnimadii xalay ka dib markii gaari booliis ah oo ka yimid Saldhigga Booliska Nguutani uu lumiyay xakamaynta oo uu dhowr jeer ku rogmaday meel u dhow Dugsiga Hoose ee Mwatungo, oo dhowr kiiloomitir u jira suuqa Kithyoko oo ku teedsan Wadada Matuu-Mwingi.
Gaariga ayaa waxaa saarnaa afar sarkaal oo boolis ah iyo qof rayid ah xilligii shilka.
Hal sarkaal ayaa isla goobta ku dhintay, halka sarkaal labaadna uu dhintay ka dib markii loola cararay Isbitaalka Heerka Saddexaad ee Kithyoko.
Sarkaal saddexaad ayaa loo wareejiyay Isbitaalka Heerka Afaraad ee Matuu balse halkaas ayuu mar dambe ku geeriyooday .
Qofkii rayidka ahaa ayaa sidoo kale geeriyooday markii la geeyay xarrun isbitaal si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo.
Booliska ayaa sheegay in hal sarkaal uu ka badbaaday shilka, isla markaana xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibayo Isbitaalka Heerka Afaraad ee Matuu.