Golaha Warbaahinta qaranka ee Kenya (MCK) ayaa ugu baaqday saxafiyiinta in ay ilaaliyaan anshaxa sare marka ay tabinayaan mudaaharaadyada 25-ka bishan June.
Bayaan uu soo saaray, maamulaha guud ee MCK David Omwoyo waxa uu wariyaasha ku dhiiragaliyay in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka ugu sarreeya marka ay ka warramayaan arrimaha danta guud, waxa uuna xasuusiyay warbaahinada in ay u hoggaansamaan Xeerka Anshaxa Saxaafadda.
Omwoyo ayaa intaa ku dartay in saxaafaddu loo baahan yahay inay raacdo nidaamka si bulshada looga ilaaliyo waxyeelo.
Hay’adda maamulka warbaahinta ayaa sidoo kale ugu baaqday booliska iyo dibadbaxayaasha in ay ixtiraamaan xaqa ay saxaafaddu u leedahay in ay tebiso bannaanbaxyada iyada oo aan hanjabaad, waxyeelo iyo carqaladayn loo gaysaneyn.