SAWIRRO:Tirada dhimashada dabka ka kacay kaymaha Hawaii oo gaartay 93 qof

0
318

Tirada dhimashada dabka ka kacay kaymaha Maui ee gobolka Hawaii ee dalka Maraykanka ayaa gaartay 93 qof, taas oo ka dhigeysa tii ugu dhimashada badnayd ee muddo sanado ah.
Dhimashada ayaa sii kordhi karta iyadoo dabka uu si xowli ah u sii faafayo.
Waxaa kaymaha laga raadinaya meydad dheeraad ah.
Dhismooyiin badan ayuu burburiyay dabka halka gawaari dhowr ahna uu saameyn ku yeeshay.
Guddoomiyaha Gobolka Hawaii ee wadanka Maraykanka Josh Green oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi doonto, iyadoo meydad hor leh la helayo.
Dhul badan oo ay baaxadiisu weyn tahay ayuu dabka baa’bi’iyay.