SAWIRRO:Senatar Ilhaan Cumar oo maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe

0
483

Waxaa magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland maanta gaartay Senatar Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka ee dalka Mareykanka, iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.
Ilhan Cumar ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Janeraal Maxamad Abshir ku soo dhaweeyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan oo ay wehliyaan mas’uulyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka iyo dadweyne farabadan, waxayna ka mahadcelisay soo dhaweynta.
Sida uu qorshahu yahay Senatar Ilhaan Cumar ayaa inta ay ku sugan tahay magaalada Garoowe ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonta Madaxda ugu sarreysa dowlad Goboleedka Puntland, iyagoo ka wada hadli doona arrimo kala duwan.
Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Gobolka Minnesota ee wadanka Maraykanka ayaa asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Puntland.
2018-kii ayay noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali American ah oo loo doorto Aqalka Congress-ka Maraykanka.
Booqashadan ayaa noqoneyso tii ugu horreysay ee Ilhaan Cumar ay ku timaado gudaha dalka Soomaaliya tan iyo markii xilkaasi loo doortay.