SAWIRRO:Sanbaloolshe oo xildhibaan loo doortay lana kulmay hoggaanka Hirshabelle

0
660

Magaalada Beleweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta lagu qabtay doorashada kursiga tirsigiisu yahay #058 oo uu horay ugu fadhiyay Nuur Iidow Beyle oo ka tanaasulay u tartamida Kursigaas.
Doorashada Kursiga #058 ayaa waxaa ku tartamay 7 Musharrax, waxaase ku guuleystay Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamad Cali (Sanbaloolshe).
Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle oo ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga #058 ayaa shaaciyay in wareegii koowaad oo lagu kala baxay islamarkaana uu kusoo baxay Cabdullaahi Maxamad Cali Sanbaloolshe, waxaana codadka ay u kala heleen.
1: Amb. Cabdullaahi Maxamad Cali Sanbaloolshe 54 Cod
2: Cali Cabdullaahi Cosoble 28 Cod
3:Cabduqaadir Xuseen Coloow 8 Cod
4: Cabdullaahi Axmad Xuseen 5 Cod
5: Maxamad Afdhuub Makaraan 2 Cod
6: Yoonis Maxamad Nuur 3 Cod.
7: Ubax Cali Sheegow. 0
Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed oo la kulmay Sanbaloolshe.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Ku Xigeenkiisa Yuusuf Axmad Hagar Dabageed ayaa qaabilay Cabdullaahi Maxamad Cali Sanbaloolshe oo maanta loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka.