Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde soo caga dhigatay diyaarad sidday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ku dagaalamayaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.
Dhaawacyada oo gaaraya ilaa 30 qof ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda iyo mas’uuliyiin kale.
Gaadiidka gurmadka degdeg ah ee lagu diyaariyay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho ayaa dhaawacyada soo qaaday, kuwaas oo geeyay qaar kamid ah isbitaallada Magaalada Muqdisho si loogu daweeyo.
Dhaawacyada Maanta la keenay magaalada Muqdisho ayaa isugu jira kuwo culus iyo kuwo fudud, waxaana lagu wadaa in sidoo kale saacadaha soo socda Magaaladaasi la keeno dhaawacyo kale.
Maalmo ka hor, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo gurmado dadka ku waxyeeloobay dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood maadaama dowladda Soomaaliya ay mas’uul ka tahay guud ahaan dadka Soomaaliyeed.
Home Wararka Soomaaliya SAWIRRO:Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalka ka socda Laascaanood oo...