SAWIRRO:Diyaarad ay rakaab saarnaayeen oo ku burburtay garoonka Aadan Cadde

0
505

Mid ka mid ah Diyaaradaha Shirkadda Jubba Airways ayaa goor dhow ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya xilli ay soo caga dhiganeysay dhabaha Garoonka.
Dhammaan Rakaabka la socday diyaaradda ayaa laga soo badbaadiyay, mana jiro khasaare aan dhaafsiisneyn burburka diyaaradda.
Goobjoogayaal la hadlay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa sheegay in ay arkayeen diyaaradda oo Mid ka mid ah Baalasheeda dhulka ku dhufsatay ka dibna ka baxday Dhabaha ay kusoo dageysay.
Wali waxaa socda Gurmadka, wixii faahfaahin dheeraad ah kala soco starfm.co.ke