SAWIRRO:Dad ku dhaawacmay bannaanbax ka dhacay degmada Beledxaawo iyo xarunta maamulkaasi oo la gubay

0
562

Wararka naga soo gaaraya degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Maanta halkaasi uu ka dhacay bannaanbax ay dhigayeen dad ka careysan dhallinyaro laga xir xiray.
Bannaanbaxayaasha oo ka kala yimid xaafadaha degmada Beledxaawo ayaa ka careysnaa dhallinyaro Ciidamada Nabadsugidda ay Magaalada ka dhex qabteen, kuwaas oo la sheegay inay u gaysteen jirdil xooggan.
Dadka bannaanbaxa dhigayay ayaa taayaro iyo agab kale ku gubay bartamaha degmadaasi, iyaga oo sidoo kale gubay Xaruntii ay ku shaqeynayeen Maamulka degmada, waxaana Ciidamo ka tirsan kuwa NISA ay rasaas farabadan ku fureen dadka bannaanbaxa dhigayay, iyada oo ay ku dhaawacmeen rasaasta ilaa 3 qof.
Xaaladda degmada Beledxaawo ayaa Maanta muddo saacado ah aad u kacsaneyd, waxaana markii dambe ku soo baxay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmadaasi, kuwaas oo la hadlay dadka bannaanbaxayaasha.