SAWIRRO:Baabuur siday shidaal oo qarxay kadibna gubay dhowr kale

0
580

Isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka ayaa hakad galay aroornimadii hore ee saaka ka dib markii uu dab xooggan ka kacay gaari xamuul ah oo siday gaas.
Saraakiisha booliska ayaa laga soo xigtay in shilkan uu ka dhacay agagaarka xarunta ganacsiga ee Mutarakwa ee ku taalla waddada xiriiriso Nairobi iyo Mai Mahiu oo ka tirsan gobolka Rift Valley.
Gaariga uu dabka ka kacay ayaa saameeyay afar baabuur oo ah kuwa sida gaarka loo leeyahay kuwaas oo goobta ka ag dhawaa, islamarkaana aad u gubteen.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Kiambu Wilson Wayanga ayaa sheegay in aysan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray dadkii goobta ka ag dhawaa.
Waxaa uu intaasi ku daray in dabkaasi ay ku guuleyteen in damiyaan waaxyaha dab damiska ee ismaamullada Kiambu iyo Nairobi.