SAWIRRO:Al-Shabaab oo gubtay guryo ku yaalla deegaan ka tirsan gobolka Mudug

0
533

Wararka naga soo gaaraya deegaan ku yaalla koonfurta Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Guryo ku yaallay halkaasi ay dab qabadsiiyeen dagaalyahano la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab oo xalay tegay deegaankaasi.
Guryaha ay Al-shabaab gubeen ayaa ku yaallay deegaanka lagu magacaabo Cadalle ee Koonfurta Gobolka Mudug, islamarkaana waxaa deganaa qoysas, kuwaasi oo lasoo weriyey inay ka barakaceen guryihii ay deganayeen ee la gubay.
Ciidamo Macwiisley ah oo la shaqeeya Ciidanka Galmudug ayaa waaberigii hore ee saakay tegay Cadalle, waxaana deegaanka ay ka sameeyeen howlgallo lagu xaqiijinayey ammaanka deegaanka, ka dib markii ay halkaas tageen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa weli ka hadlin guryaha la gubay oo ay deeganaayeen dadka shacabka ah, iyadoona Sawirro laga soo qaaday guryaha gubtay lagu arkayay baaxada uu lahaa dabka la qabadsiiyay.
Si kastaba Al-Shabaab ayaa marar horay weerarro ku qaadday deegaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug halkaas oo ay dagaalo xooggan kula galeen Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Maamulka Galmudug iyo maleeshiyaad hubeysan.