SAWIRRO:7 qof oo shil ku dhintay ismaamulka Homa Bay

0
218

Waxaa la xaqiijiyay in 7 ruux ay ku geeriyoodeen shil laga soo tabiyay aagga loo yaqaano Nyalunya ee waddada u dhexeysa Katito-Kendubay ee ismaamulka Homa Bay.
Shilkan oo dhacay shalay galab ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo kale.
Waxaa shilka galay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda oo ay isku dhaceen baabuur xamuul.
Hasa ahaate weli lama ogaan tirada rakaabka ee uu gaarigaasi siday.
Laamaha ammaanka oo billaabay baaritaano dhacdadaasi ku aaddan ayaa dhanka kale gaadiidleyda ugu baaqay in ay taxaddar dheeraad ah muujiyaan.