Sarkaalka IEBC ee deegaan hoose ka tirsan Ceeldaas oo mid ka mid ah lugihiisa waayay

0
300

Maxamad Kanyare oo ahaa iskuduwihi guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka IEBC laanteeda Towxiid ee deegaanka hoose ee Elnur Tula Tula ee ka tirsan deegaan baarlamaaneedka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer, ayaa waayay mid ka mid ah lugahiisa ka dib markii u toogtay maalintii doorashada sarkaal boolis ah, sida asaga uu sheegay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in mas’uulkan ay lugtiisa midig dhowr rasaas ku dhacday.
Mr. Kanyare ayaa loola cararay isbitaalka wayn ee ismaamulka Wajeer ka dib markii uu dhaawac halis soo gaaray taas oo keentay in lugtiisa midig la jaro.
Rasaasta ayaa ka dhacday xarunta dhexe ee sanduuqa hormaarinta ee CDF-ta ee deegaanka Ceeldaas.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay 10-kii bishan.
Nin ay saaxiibo dhow ahaayeen ayaa laga soo xigtay in Mr.Kanyare la istaajiyay oo laga codsaday inuu galo baabuur, ka dib waxaa la waydiiyay in uu wax ka beddelo foomka 35A ee doorashada hasa ahaate uu ka diiday.
Doorashada deegaan baarlamaaneedka Ceeldaas ayaa la hakiyay 9-kii bishan, ka dib markii uu muran ka dhashay qaabka ay hay’adda doorashada u shaqaaleysiisay saraakiisha maareynaya iyo ku xigeenadooda.
Xaaladda ayaa keentay in Prof. Cabdi Guliye oo xubin sare ka ah IEBC uu u duulo magaalada Ceeldaas uuna xalliyo xiisadda taagneyd si maalinta xigta ay u billaabato codbixinta.
Taageerayaasha Mudanaha laga soo doortay deegaanka Ceeldaas Aadan Keynaan oo ku tartamay xisbiga Jubilee iyo Dr. Aadan Booray (ODM) ayaa isku dhacay 10-kii bishan.
Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhaawacantay rasaasta ay isweydaarsadeen labada dhinac, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan ciidamada booliska .
Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya arrimaha booliska ee IPOA ayaa baaraya dhacdooyinka laga soo tabiyay deegaanka Ceeldaas.
Waxaa kursiga xildhibaanka ee deegaanka baarlamaaneedka Ceeldaas ku tartmay afar musharraxiin oo kala ahaa Aadan Keynaan xisbiga Jubilee, Dr. Aadan Booray (ODM) iyo Cumar Xaaji (UDA).
Waxaa markale kursigaasi difaacday Aadaan Keynaan.
Hasa ahaate Dr. Aadan Booray ayaa natiijadii ka soo baxday doorashada deegankaasi qaadacay.