Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka Militariga Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

0
58

Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir ayaa habeenkii xalay lagu dilay degmada sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Marxuumka oo magaciisa lagu sheegay Korneel Macalin Cumar Cali, oo 62 jir ahaa, ayaa lagu dilay xaafadda Siciid Rooraaye, qaybta saddexaad ee degmada Dharkenley. Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, waxaa dilka geystay labo nin oo hubeysan oo aan la aqoonsan, kuwaas oo si degdeg ah uga baxsaday goobta marka uu falka dhacay.
Dilka ayaa ka dhacay afaafka hore ee guriga uu Korneel Macalin Cumar ka deganaa, iyadoo aysan jirin wax jawaab celin ah oo degdeg ah oo laga bixiyey dhinaca hay’adaha ammaanka.
Goob joogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in rasaasta laga maqlay xaafadda ay cabsi gelisay dadkii deegaanka, iyadoo ciidamo kooban ay markiiba gaareen goobta si ay baaritaan ugu sameeyaan falka dhacay.
Lama oga illaa hadda cidda ka dambeysay weerarka, mana jirto koox sheegatay mas’uuliyadda dilka.
Korneel Macalin Cumar Cali ayaa la sheegay inuu ahaa sarkaal howlgab ah balse weli kaalin la taaban karo ku lahaa arrimaha ciidanka iyo la-talin ciidan. Ciidamada deegaanka ee gobolka Hiiraan ee Macawiisleyda ayaa howlgal qorshaysana ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasoo horey Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ugu xukuntay dil toogasho ah.
Horjoogahaan oo magaciisa lagu sheegay Cali Axmed Qoyane ayaa lagu dilay howlgal ciidamada Macawiisleyda ka fuliyeen deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.
Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in horjooge Qoyane lala dilay xubno kale oo muhiim u ahaa maleeshiyaadka Al-shabaab ee ka dagaalama deegaanada gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Dhinaca kale War kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka lagu sheegay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, islamarkaana faahfaahinta howlgalka iyo khasaaraha ka dhashay ay dib kasoo sheegi doonaan.
Warka dowladda waxaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay wadi doonaan howlgalada noocan ah ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab .