Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Ruushka oo qarax lagu dilay

0
610

Sarkaal ka tirsan ciidamada Ruushka ayaa lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Moscow, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.
Guddiga dambi baarista ee Ruushka ayaa sheegay in Lt Gen Fanil Sarvarov uu dhintay subaxnimadii isniinta ka dib markii walxaha qarxa lagu soo xiray gaari hoostiisa kaasoo ku qarxay.
Sarvarov waxa uu ahaa madaxa waaxda tababarka hawlgelinta ciidamada qalabka sida, guddiga ayaa intaa ku daray.
Wuxuu guddigu intaa raaciyay in la ogaaday in waaxda sirdoonka Ukraine ay ku lug leedahay.
Ukraine kama aysan hadlin qaraxan.