Sarkaal loo magacaabay taliyaha guud ee booliiska oo la turxaan bixiyay

0
354

Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha gudaha iyo maamulka qaran oo ay weheliyaan xubnaha guddiga aqalka sare ee gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda ayaa maanta turxaan bixin ku sameeyay Japheth Koome oo loo soo magacaabay inuu noqdo taliyaha guud ee ciidanka booliiska.
Kal-fadhiga iskudhafka ah ayaa waxaa guddoominaya xildhibaan Gabriel Toshal iyo senator William Cheptumo.
Koome ayaa ballanqaaday in haddii la ansixiyo uu abaal marinno siinaya shakhsiyaadka shaaciya musuqmaasuqa ka dhex jiro adeegga qaran ee booliska ee (NPS).
Waxaa uu intaasi ku daray inuu diyaarinaya siyaabo shacabka u fududeyn doono inay caddeymo ku soo bandhigaan booliiska musuqmaasuqa sameeya.
Koome ayaa qiimaha hantidiisa ku sheegay 89.9 milyan oo shilin.
Waxaa uu waaxda adeegga qaran ee booliska ka tirsanaa 31 sano.