Sarkaal lagu dilay Garoowe iyo dad loo qabtay

0
342

Rag aan weli la aqoonsan ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamul Goboleedka Puntland ku dileen Cabdikaafi Cabdixaafid oo ahaa sarkaal ka tirsan dowladda-hoose ee Magaalada Garoowe.
Duqa degmada Garoowe Axmad Saciid Muuse oo ka hadlay dilkaas ayaa dadweynaha ka codsaday in ciidanka ammaanka ay ku caawiyaan xogta kiiskan iyo cidda dishay.
“Waxaa la dilay Cabdikaafi Cabdixafiid oo ka tirsanaa shaqaalaha Dowladda Hoose ee Garoowe, Illaahay Janadii haka waraabiyo, ehelkiina samir Alle haka siiyo, Waxaan dadweynaha ka codsanaynaa inay ciidanka amniga kala qayb qaataan sidii xogta dembiilayaasha lagu heli lahaa” ayuu qoraal ku yiri Duqa degmada Garoowe.
Ciidamada Booliska Magaalada Garoowe ayaa si faahfaahsan uga hadlin dilka loo gaystay sarkaal ka tirsanaa Dowladda Hoose ee Garoowe, balse ay sheegeen inay baaritaanno ku wadaan tuhmanayaal loo qabtay dilka.