Sarkaal ka tirsanaa ciidamada cirka ee Maraykanka oo isku gubay afafka hore ee safaaradda Israa’iil ee Washington DC

0
279

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada cirka ee dalka Maraykanka ayaa isku gubay afaafka hore ee safaaradda Israa’iil ee caasimadda Washington DC, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.
Falkan ayaa u muuqda mid mudaaharaad ah oo uu uga soo horjeedo dullaanka uu maamulka Israa’iil kawada magaalada Qaza.
Sarkaalka is gubay ayaa caddeeyay inuusan qayb ka ahaan doonin xasuuqa ay israa’iil ka wado marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Waaxda dab damiska ee magaalada Washington ayaa sheegtay in sarkaalka loola cararay isbitaalka isagoo qaba dhaawacyo culus.