Sarkaal ka tirsan waaxda taraafikada oo musuqmaasuq loo xiray

0
270

Dembi baarayaal ka tirsan guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa xabsiga dhigay sarkaal booliis ah oo ay sheegeen inuu caan ku yahay inuu laaluush ka qaato gaadiidleyda isticmaala waddada isku xirta magaalooyinka Kitale iyo Kapenguria ee ismaamulka Trans Nzoia.
Sarkaalka ayaa lagu arkay kaamirada duubta muuqaallada qarsoon ee CCTV isagoo si cad lacago uga urursanaya darawallada taasoo keentay cabashooyin badan oo ka yimid dadka deegaanka.
Sarkaalka ayaa laga helay lacag dhan 3,100 oo la sheegay inuu uruursaday intii u dhexeysay 8-dii subaxnimo ilaa 10-kii barqanimo markii la xiray shalay.
Saraakiisha waaxda la dagaallanka musuqmaasuqa ayaa hadda baadigoob ugu jira ciidamo kale oo ka tirsan booliiska oo ka baxsaday goobtaasi, waxaana la sheegay inay sidoo kale khatar ku yihiin gaadiidleyda waddadaasi adeegsada.